Ra’iisul Wasaaraha Hindiya oo lagu haysto weerarka boqor Muslim ah oo dhintay 300 sano ka hor

0
182

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Hadal hayn aad u xoog badan ayaa ka taagan arrimaha ku saabsan boqorkii Hindiya ee “ay taariikhyahannada gacan bidixeeyeen”, oo la oran jiray Aurangzeb.

Boqorkan Muslimka ahaa oo geeriyooday muddo ka badan 300 oo sano ka hor ayaa dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay mowduucyo xasaasi ah looga samaynayaa baraha bulshada iyo warbaahinta.

Aurangzeb, inta badan waxaa lagu tilmaamaa “Boqorkii ugu dambeeyay ee dhab ah oo soo xukumay boqortooyadii la oran jiray Mughal”, waxa uuna Hindiya ka talinayay ku dhawaad 50 sano oo u dhaxeysay 1658 ilaa 1707.

Balse waligiis ma aysan jecleysanin aqoonyahannada taariikhda, il gaar ahna kuma eegaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here