Trent Alexander-Arnold Oo Isha Ku Haya In Uu Jabiyo Rikoodh Final-ka Champions League Ah.

0
181

Jowhar – ( radio Isnaay ) – Daafaca dambeedka midig ee Liverpool Trent Alexander-Arnold ayaa qarka u saaran inuu jabiyo rikoorka Champions League haddii uu ciyaaro finalka sabtida ee Real Madrid.

Xiddiga reer England ayaa la filayaa in uu ku bilowdo kulanka isaga oo ah 23 sano jir 233 maalin waxana ay ka dhigaysaa xiddigii 2-aad ee ugu da’da yaraa ee ciyaara 5 Final taariikhda isaga oo kaliya ka dambeeya xiddiga Alessandro Del Piero kaas oo ciyaaray 3 Final isaga oo jira 23 sano iyo 192 maalin.

Alexander-Arnold ayaa ciyaaray Final-kii 2018 ee ay Liverpool guuldarada 3/1 ah kala kulantay kooxda Real Madrid waxana uu kadib ciyaaray Final-kii 2019 ee ay kooxdiisu ku guulaystay iyo final-ka caawa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here