Tahriibayaal farabadan oo lagu la’yahay Xeebaha Wadanka Tunisia.

0
168

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Hay’adda caalamiga ah ee socdaalka dunida ee IOM ayaa sheegtay in la la’yahay illaa 600 oo muhaarijiin ah oo isku deyayey inay tahriib ku galaan wadamada Yurub, saddexdii bilood ee ugu dambeeyey. Tahriibayaashan ayaa ka safray xeebaha dalalka Tunisia iyo Liibiya.

Toddobaadkan gudihiisa waxaa la soo sheegay in doon ay saarnaayeen tahriibayaal kala duwan oo ka safray xeebaha dalka Tunisia inay ku qarqoomeen meel u dhow jaziiradda Kerkennah ee ku taalla dhinaca koonfur-bari ee dalka Tunisia.

Hay’adda socdaalka dunida ee IOM ayaa ku soo waramaysa in doonta degtay ay saarnaayeen in ka badan 100 qof, taas oo la soo badbaadiyey oo keliya 30 qof, halka weli la’yahay illaa 75 tahriibe, kuwaas oo aan weli la garanayn meel ay jaan iyo cidhib dhigeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here