Sida Uu Ku Dhamaan Lahaa Premier League Hadii Uuna VAR Jirin Oo La Ogaaday.

0
193

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Waxa dhamaaday horyaalka premier League xilli ciyaareedka waxana soo afjarmay xilli ciyaareed cajiib ah oo lagu raaxaystay.

Kooxda Man City ayaa ku guulaystay horyaalka premier League kadib markii ay guul soo laabasho leh ka gaadhay Aston Villa xilli ay Liverpool ku dhamaystay kaalinta 2-aad.

Kooxaha Chelsea iyo Tottenham ayaa ku dhamaystay kaalmaha champions league iyaga oo xilli ciyaareedka dambe ka ciyaari doona tartanka champions league.

Laakiin hadii ayna VAR jirin waxa jiri lahaa kala duwanaansho dhanka kala saraynta horyaalka premier League ah iyada oo Arsenal Kooxda Tottenham ku garaaci lahayd kaalinta 4-aad.

Sidoo kale Man United oo ku dhamaystay kaalinta 6-aad ayaa la’aanta VAR ku dhamaysan lahayd kaalinta 8-aad ee kala saraynta horyaalka premier League.

Dhanka kale kooxda Leeds United ayaa ka hadhi lahayd horyaalka badalka Burnley hadii aan La isticmaalayn VAR Horyaalka premier League.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here