Maxkamad ku taala Jabuuti oo xukun ku ridday wasiir iyo taliye hore.

0
244

Jowhar – ( Radio Isnaay )  -Maxkamad ku taalla dalka Jabuti ayaa min saddex sano oo xarig ah ku ridday, Wasiirkii hore ee Miisaaniyadda Jabuti Bodeh Axmed Rooble iyo Taliyihii hore ee Ciidanka booliska Jabuti, Corneel Cabdullahi Cabdi Farax, kaddib marki sida ay maxkamaddu sheegtay lagu helay danbi ah in ay si sharci darro ah u iibsadeen cod sir ah oo la duubay.

War-saxaafadeed kasoo baxay Maxkamadda ayaa lagu sheegay in wasiir Boode iyo Taliye Cabdullahi Cabdi ay saddexda sano ee xariga ah ku qaada doonaan xabsiga dhexe ee Gabood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here