Wasiirka Arrimaha Debedda ee Turkiga oo 15 sano ka dib, Booqday Israel.

0
149

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Turkiga ayaa Arbacadii booqasho ku tegey Israa’iil, taasoo qayb ka ah dadaallada la doonayo in lagu hagaajiyo xidhiidhka ka dhexeeya dalka Turkiga iyo Israa’iil, kaas oo ay saamayn weyn ku yeelatay, taageerada xooggan ee dalka Turkigu uu u muujiyo qadiyadda Falastiiniyiinta.

Booqashada wasiirka Arrimaha Debedda ee Turkiga Mevlut Cavusoglu, ayaa noqonaysa booqashadii ugu horreysay ee rasmi ah ee uu masuul sare oo Turkish ahi ku tago Isaa’iil muddo 15 sano ah. Wasiirka arrimaha debedda ee Turkiga ayaa sheegay in safarkiisu uu la xidhiidho caadiyeynta xidhiidhka ay la leeyihiin Israa’iil iyo in wax laga qabto isfaham-waaga soo kala dhex galay labadaas dal, isagoo sheegay inay tahay in loo maro “hannaan horumar keenaya” oo gacan ka geysta in si nabad ah loo xalliyo colaadaha ka jira gobolkan.

Wasiirka ayaa sidoo kale booqday oo ku tukaday Masaajidka barakaysan ee Al-Aqsa ee ku yaalla magaalada Qudus. Masaajidkan barakaysan ayaa ah goob muhiim u ah dadka Muslimiinta ee ku nool daafaha caalamka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here