Eddie Nketiah Oo Qarka U Saaran In Uu Mustaqbalkiisa U Hibeeyo Arsenal.

0
241

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Arsenal ee Eddie Nketiah ayaa qarka u saaran in uu ogolaado in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda Arsenal.

Sida laga soo xigtay The Athletic, Gunners ayaa heshiis cusub u soo bandhigtay xiddiga reer England si uu u sii joogo kooxda wixii xilli ciyaareedkan ka dambee.

Xiddiga Eddie Nketiah ayaa qaab ciyaareed fiican soo bandhigay kulamadii ugu dambeeyay ee xilli ciyaareedka waxana uu Arteta doonayaa in uu sii joogo kooxda.

Arsenal ayaa Eddie Nketiah u soo bandhigtay heshiis 5 sano ah oo uu todobaadkii mushahar ahaan ugu qaadan doono lacag dhan 100 kun oo Gini Todobaadkii.

Xiddiga weerarka ka ciyaara ee Eddie Nketiah ayaa markii hore ka fikirayay in uu isaga tago kooxda Arsenal xagaaga dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Laakiin Xiddiga Eddie Nketiah ayaa haatan u muuqday mid badalay go’aankiisa waliba qalinka ku duugi doono heshiis cusub oo uu ku sii joogi doono Arsenal

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here