War Cusub oo ka soo baxay Xafiiska Shirkadda Hyundai oo illaa $10 bilyan ku maalgashanaysa Maraykanka.

0
209

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Shirkadda Hyundai ee laga leeyahay dalka Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegtay inay lacag gaadhaysa illaa $10 bilyan oo dollar inay ku maalgelinayso dalka Maraykanka.

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa la kulmay masuuliyiinta shirkadda Hyundai, intii uu safarka ku joogay dalka Kuuriyada Koonfureed, wuxuuna sheegay in iskaashiga dhaqaale ee labada dal uu horseedayo inuu sii xoogaysto xidhiidhka labada dal.

Maalgelinta shirkadda Hyundai ee Maraykanka, waxaa ku jirta illaa $5.5 bilyan oo loogu talo galay in lagu maalgeliyo baabuurta korontada ku shaqaysa iyo weliba wershed weyn oo soo saarta bayteriyadda taas oo la filayo in laga dhiso gobolka Georgia.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here