Siyaasi Caan Ah oo Xabsiga La Dhigay Ka Dib Dibadbaxyo Ka Dhacay Uganda.

0
182

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Hoggaamiyaha mucaaradka Uganda Dr Kizza Besigye ayaa la xiray maanta oo Talaadado ah isagoo isku dayay inuu hoggaamiyo dibadbax ka dhacay caasimadda Kampala, kaas oo looga soo horjeedo qiimaha maciishada.

66 jirkaan ayaa afar jeer madaxtinimada kula tartamay Yoweri Museveni.

Wuxuu ahaan jiray dhakhtarka gaarka ah ee Mr Museveni, marar badan ayaana xabsiga la dhigay.

Dr Besigye ayaa yimid mudaharaadkii Talaadadii isagoo wata gaadhigiisa, wuxuuna sababay in ganacsigii aagga deegaanka uu istaago, sida uu sheegay wargeysa Daily Monitor.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here