Qaramada Midoobay oo sheegtay in Qatar Bani’aadannimo ay kajirto Soomaaliya.

0
180

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Isagoo khudbad dhanka Aalada Zoomka ka jeedinayey shirka Golaha Ammaanka oo looga hadlayey xaaladda Soomaaliya oo ka qabsoomay magaalada New York, isla markaana uu soo hadal qaaday kulankii uu dhawaan la qaatay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo uu ka dhageystay yoolalkiisa dhow, Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobay James Swan ayaa yiri.

“Dhammaan nidaamka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waa mid diyaar u ah inuu la shaqeeyo dawladda cusub si loo taageero yoolalkan la wadaago.”

Sarkaalka ugu sarreeya Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa sidoo kale ka hadlay abaaraha ka jira Soomaaliya, isagoo xusay in “Xaaladda bini’aadantinimo ee Soomaaliya ay ka sii darayso… Dalku waxa uu wajahayaa khatar aad u weyn oo macaluul ah deegaanno ay ku nool yihiin lix bulsho haddii qiimaha cunnada uu sii kordho, gargaarka bini’aadannimadana aan la joogteyn. ”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here