Wakiilka Bayern Munich Oo Ka Farxiyay Barcelona, Fariin Cad Ayuu Ka Yidhi Mustqbalka Xiddiga

0
218

JOWHAR (Radio isnaay) Wakiilka xiddiga Robert Lewandowski ee Pini Zahavi ayaa weerar culus ku qaaday kooxda Bayern Munich .

Mustaqbalka Robert Lewandowski ee Bayern ayuu shaki ku jiraa todobaadyadii ugu dambeeyay iyada oo lala xidhiidhinayo xiddiga in uu isaga tagayo kooxda.

Xiddiga Robert Lewandowski ayaa lala xidhiidhinayaa kooxda Barcelona kuwaas oo si dhab ah u doonaya saxiixa xiddiga reer Poland.

Robert Lewandowskioo arintaas kala hadlaya wargayska Bild ayaa yidhi”Lewandowski Bayern waxa ay u tahay Taariikh”.

“Ma jiro heshiis kordhin ay Bayern Lewandowski miiska u saartay, kadib 8 sano oo uu kooxda la joogay waliba yahay 34 jir waxa uu doonayaa in uu riyadiisa Rumeeyo”.

“Waxa uu rabaa in uu ka tago xagaagan, ma jirto lacag uu dan ka leeyahay, runta ayaa ah in uu dareensanyahay in ayna kooxdu Ixtiraam u muujin bilihii ugu dambeeyay”.

“Bayer waxa ay leedahay heshiis ayuu kula jiraa kooxda ilaa xagaaga 2023? waa run oo way sii haysan karaan Robert sanad kale laakiin ma ahan wax aan kula talinayo”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here