Pep Guardiola Oo Go’aan Ka Gaaray Mustaqbalka Xiddiga Lala Xiriirinayo Arsenal Ee Gabriel Jesus.

0
275

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Tababaraha Kooxda Man City ee Pep Guardiola ayaa lagu soo waramayaa in uu doonayo in uu sii haysto xiddiga Gabriel Jesus xilli ciyaareedka dambe.

Xiddiga dhaliyay 4 gool kulankii Watford ayaa guud ahaan xilli ciyaareedkan dhaliyay 13 gool tartamada oo dhan waxana lala xidhiidhinayaa in uu isaga tagayo kooxda.

Xiddiga 25 jirka ah ayaa lala xidhiidhinayaa kooxda Arsenal kuwaas oo doonaya in ay helaan xiddiga xitaa wadahadalo la qaatay Wakiilka xiddiga.

Si kasta ha ahaatee sida laga soo xigtay ESPN, Guardiola ayaa doonaya in uu xiddiga sii haysto xilli ciyaareedka dambe xilli uu doonayo in uu dhamaan u tartamo koobabka kala duwan xilli ciyaareedka dambe.

Waxa intaas sii dher in ay Kooxda hogaaminaysa premier League madaxa xiddiga dul dhigtay 55 milyan oo euro taas oo keeni karta in ay Arsenal dareenkeeda u jeediso meel kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here