Kuuriyada Waqooyi oo shaah kula dagaallameysa coronavirus.

0
245

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kuuriyada Waqooyi ayaa la daalaa dhaceysa xanuunka coronavirus, iyadoo bulshada dalkaas aan laga tallaalin xanuunka, isla markaana aysan oollin daawo waxtar leh.

Dadka ayaa lagula talinayaa inay isticmaalaan daawo-dhaqameed sida shaah dhir leh iyo inay ku luqluqdaan biyo cusbo leh.

Horraantii sanadkii 2020, dalkaas ayaa xiray xadka si uusan ugu soo gudbin cudurka.

Dowladda ayaa diidday caawinaad caafimaad oo dibadda uga timaadda.

Waxaanu la soconnay warbaahinta dowladda, oo dadka kula talineysay waxyaabo kala duwan oo lagula tacaalo waxa ay ugu yeereen “qandho”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here