Muhaajiriintii ugu horreeyey ee laga soo celinayo Dalka UK.

0
117

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Qeybtii ugu horreysay oo ah dad magangalyo doon ah oo laga soo qaadayo dalka UK, taasi oo qeyb ka ah heshiis muran badan dhaliyey, ayaa la filayaa inay yimaadaan dalka Rwanda toddobaadyada soo socda, sida ay sheegeen saraakiil sare oo ku sugan Kigali.

Tan iyo markii lagu dhowaaqay bishii tagtay, heshiiska u ogolaanaya Britain inay muhaajiriinta iyo dadka magan-galyo doonka ah usoo dirto Rwanda ayaa waxaa si aad ah u cambaareeyey kooxaha xuquuqda aadanaha, mucaaradka labada dal iyo xitaa QM.

Sida ku cad heshiiska, dowladda Britain ayaa qof kasta oo si sharci-darro ah kusoo gala UK, iyo sidoo kale kuwii ku yimid sharci-darrada tan iyo 1-dii Janaayo, waxay usoo diri doontaa Rwanda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here