Akoonada been abuurka ah oo saamayn ku yeeshay iibka shirkadda Twitter-ka.

0
150

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Mulkiilaha guud ee shirkadda Tesla, Elon Musk ayaa sheegay inaanu hore u sii wadi doonin heshiiska uu ku iibsanayo shirkadda Twitter-ka illaa ay masuuliyiinta shirkaddaasi soo bandhigayaan caddaymo muujinaya in xaddiga isticmaalayaasha been abuurka ah ama Twitter fake or spam account, inay ka yar yihiin illaa 5%. Elon Musk ayaa hadalkan ka sheegay isaga oo u jawaabayey mid ka mida dadka isticmaala Twitterka.

Madaxa shirkadda Twitter-ka Parag Agrawal ayaa sheegay in shirkaddiisu ay dedaal badan ku bixiso sidii ay ula dagaalami lahayd shakhsiyaadka samaysta akawnada (accounts) been abuurka ah, isaga oo ku qiyaasay in isticmaalayaasha samaysta akawanada (accounts) been abuurka ah ama Fake users inay gaadhayaan in ka yar 5%.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here