Saynisyahan Udhashay Mareykanka oo sirti ugu weyneyd dunida suuli tareen ku illaaway.

0
169

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Subaxnimadii Janaayo 7, 1953, Saynisyahanka nukliyeerka John Archibald ayaa soo istaagay albaabka hore ee suuliga tareenka oo uu nin ku gudanayey xaajada sida caadiga ah looga guto goobahaasi oo kale.

Magaca iyo Sumcadda aadka u sarreyso uu ku leeyahay Jaamacadda Priceton iyo Bulshada Cilmiga Sayniska Mareykanka marka la eego haddii lagu arki lahaa isaga oo gudaha u eegaya Suuli uu qof xaajadiisu ku gudanayo waxaa hubaal ah iney fadeexaad sumcaddiisa burburiso halkaasi ka soo gaari lahayd.

Laakiin Wheeler, markan ma ogeen waxa dhici karo haddii la qabto isaga oo muqsusha sii eegaya oo waxa ugu darnaa waxa uu raadinayo muhiimadda ay leeyihiin.

Ujeedkiisuna ma ahayn in qofka suuliga ku jiro uu eego balse suuliga uu ninka kaga dambeeyey ayuu ku tuhmayey inuu bashkhadda sirta aadka u weyn xambaarsan uu uga soo tagay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here