Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Sanca oo dib loo furay lix sano ka dib.

0
208

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Sanca ee dalka Yemen ka duushay diyaaraddii ugu horraysay ee ganacsi ee garoonkaas isticmaasha muddo lix sannadood ah, waxaana duulimaadkaasi uu u jihaysnaa caasimadda dalka Urdun ee Cammaan. Wararka ayaa sheegaya in rakaabka diyaaraddan saaran ay ku jireen dad bukaan ah oo caafimaad u raadsanaya dalalka debedda.

Kormeerayaasha dusha kala socda xaaladda dalka Yemen ayaa sheegay in dib u furista garoonka Sanca inay tahay tallaabo weyn oo hore loogu qaaday, sidii looga midha dhalin lahaa geeddi socodka nabadeed ee socda, ee la doonayo in lagu soo afjaro colaadda dalkaas ka socotay muddada toddobada sano ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here