Xaqiiqooyinka Laga Diwaan Galiyay Final-ka FA Cup-ka Ee Ay Liverpool Ku Guulaystay.

0
160

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kooxda Liverpool ayaa ku guulaystay koobka FA Cup-ka kadib markii ay garaacday kooxda Chelsea kulan ka dhacay Wembley kulan xiiso leh oo ay labada kooxood soo bandhigeen qaab ciyaareed fiican.

Liverpool ayaa rikoodhayaal ku qaaday koobka FA Cup-ka kadib markii la ciyaaray 120 daqiiqo oo ay labada kooxood isku dhaafi waayeen ciyaarta.

Hadaba waxa aan halkan ku soo bandhigi doonaa xaqiiqooyinka laga diwaan galiyay kulanka FA Cup-ka.

1.FA Cup-ka ayaa markii ugu horaysay gaadhay wakhti dheeri ah kadib markii ay labada kooxood isku dhaafi waayeen 90 Daqiiqo tan ilaa 2007 markaas oo ay chelea guul ka gaadhay Man United kana dhalisay goolka daqiiqadii 116-aad.

2.Markan ayaa ah markii 3-aad ee tartanka FA Cup-ka la ciyaaray rikoodhayaal iyaga oo ay wada ciyaarayaan laba kooxood oo ku jira kaalmaha ugu sareeya tan ilaa Arsenal v Man Utd in 2004/05 & Liverpool v West Ham in 2005/06.

3.Liverpool ayaa ku guulaystay labada koob ee England markii ugu horaysay tan ilaa 2000/2001 markaas oo ay sidoo kale ku guulaysteen koobka Yurub kaliya Man United (12) iyo Arsenal (14) ayaa ka badan Liverpool ku guulaysiga koobka FA Cup-ka iyaga oo ku guulaystay 8 jeer.

4.Chelsea ayaa noqotay kooxdii ugu horeysay tan iyo Newcastle United (1974, 1998 & 1999) ee laga badiyo seddex kulan oo xiriir ah finalka FA Cup waxaa laga badiyay 2019-20 (v Arsenal), 2020-21 (v Leicester) iyo caawa v Liverpool.

5.Tababaraha Liverpool ee Jürgen Klopp ayaa noqday tababarihii labaad ee ku guulaysta koobabka Yurub/Champions League, FA Cup, League Cup kadib Sir Alex Ferguson.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here