Diyaarad dab ku qabsaday Wadanka Shiinaha.

0
169

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Diyaarad ay leedahay shirkadda duulimaadyada ee Tibet Airlines oo ka kacaysay garoonka Chongqing ee dalka Shiinaha ayaa mar keliya lagu war helay in uu dab qabsaday.

Rakaabka saarnaa oo tiradoodu dhammayd 113 qof iyo shaqaalihii diyaaradda ayaa ka daatay goobaha badbaada iyaga oo dhulka isku tuuray.

Dabka diyaaradda ka kacay ayaa la sheegay in uu dhashay ka dib markii diyaaraddu ay ka baxday dhabbihii ay ku haadaysay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here