Dhageysiga Khudbadhaha Musharrixinta xilka Madaxweynaha oo Maanta la soo geba-gabeynayo.

0
162

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa Maalintii labaad oo xiriir ah waxaa ay kulan ku yeelan doonaan Xarunta Teendhada Afisiyooni ee Magaalada Muqdisho, iyaga oo dhageysan doona 19-ka Musharrax ee xilka Madaxweynaha, kuwaas oo ah kuwa ugu dambeeya.

Xildhibaannada labada Aqal oo shalay xaadiray  hoolka uu ahaa inta badan mid faaruq ah ayaa waxaa ay dhageysteen khudbadaha 20 Musharrax, waxana Maanta soo geba-gaboobi doona dhageysiga khudbadaha 39 musharrax ee u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here