Gary Neville Oo Saadaaliyay Kulanka North London Derby.

0
153

Jowhar – (Radio Isnaay ) – Halyeeyga Manchester United Gary Neville ayaa saadaaliyay in Tottenham Hotspur ay garaaci doonto Arsenal kulanka soo socda ee derby Waqooyiga London 12-ka May.

Tottenham ayaa marti galin doonta Arsenal kulan ka tirsan premier League iyada oo labada kooxoodba baacsnayaan kaalinta 4-aad ee loogu soo boxo champions League.

Gunners ayaa haatan 4 dhibcood ka horaysa kooxda Antonio Conte ee Tottenham iyada oo labada kooxoodba isha ku hayaan u soo bixista champions League xilli ciyaareedka dambe.

Neville ayaana aaminsan in ay kooxda Tottenham garaaci doonto Arsenal marka ay isaga hor iman doonaan kulan xiiso leh oo ka dhici doona garoonka Tottenham Hotspur Stadium.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here