Dhalinyarada Jowhar oo shaqo Abuur Ka codsaday Maamulka Hirshabeelle.

0
154

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Dhalinyaradaan ayaa Codsi udiray Maamulka Gobolka iyo Kan degmada Jowhar Maadaama ay yihiin Mas,uuliyiinta SHacabka loogana Baahanyahay in ay dhalinyarada dhiiri geliyaan waxaana ay kacodsadeen in shaqo abuur ay usameeyaan dhalinyarada ama ay dhalinyarada umaalgeliyaan fikradaha ay layimaadaan.

Maxamed Ibraahim aadan oo kamid ah dhalinyarada magaalada Jowhar ayaa Maamulka kacodsaday in ay dhalinyarada lahadlaan dhalinyarada islamarkaana ay kudhiiri geliyaan dhalinyarada in ay fikrado Abuurtaan wuxuu sidoo kale dhalinyarada ugu baaqay in ay sameeyaan Isbedel Nolosha ah islamarkaana ay si lacag la,aan ah ugu shaqeeyaan Cilmigii ay soo barteen oo ay Bulshada uga faa,iideeyaan.

Warbixintaan waxaa inoo soo jeedineeysa:- Maryama Shiikh Cabdi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here