Dalalka Tanzania, Algeria iyo Nigeria oo qorsheynaya inay shidaal u dhoofiyaan Yurub.

0
135

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Tanzania, Algeria, Nigeria iyo dalal kale oo Africa ka tirsan ayaa ku jira ridaarka shirkado kale oo shidaal oo waaweyn oo ganacsiyo ku leh qaaradda Yurub, kuwaas oo isku deyaya inay soo afjaraan qandaraaskii ay la galeen qaaraddaasi.

Ilaa iyo hadda, shirkadaha waaweyn ee saliidda iyo gaaska ee BP, Shell, ExxonMobil iyo Equinor oo ay leedahay dowladda Norway ayaa qorsheynaya inay xiriirka u jaraan Rushka.

Iyadoo Total aysan sameyn Karin maalgashi cusub, khubarada shirkadaasi ayaa sheegaya, in Africa ay bixisay boqolkiiba 18 shidaalka loo dhoofiyay Yurub tobankii sano ee la soo dhaafay.

Soo saarista shidaalka ee Africa, ayaa haatan la rajeynayaa inay korodho qaybta labaad ee tobanka sano ee soo socota, iyadoo ay soo if baxayaan mashruucyo cusub oo dhanka online-ka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here