Xukuumadda Pakistan oo dacwad ku soo oogtay Imran Khan.

0
173

Jowhar – ( radio Isnaay ) – Saraakiisha dalka Pakistan ayaa xaqiijiyey in la diyaariyey tallaabooyin sharciga aflagaadada ee Pakistan u yaalla lagula tiigsanayo, ra’iisal wasaarihii hore ee dalkaas Imran Khan iyo illaa 150 xubnood oo kale, hase ahaatee tallaabadaas ayaa loo arkaa inay tahay in dawladdu ay arrimaha diinta u adeegsanayso hab ay ku cabsi geliso dadka ay siyaasadda isku hayaan.

Eedaha aflagaaddada ah ee loo soo jeedinayo Ra’iisal Wasaarihii hore ee Pakistan Imran Khan ayaa ka dhashay, ka dib markii ay xujay u dhalatay dalka Pakistan ay ku oriyeen isla markaana ay hadalo deel-qaafa ku yidhaahdeen ra’iisal wasaaraha cusub ee Pakistan Shehbaz Sharif iyo wefti la socday oo booqasho ku joogay dalka Sucuudiga gaar ahaan masaajidka baraykaysan ee nebiga NNKH ee ku yaalla magaalada Madina.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here