Magaalada Jowhar Iyo Gobolada Dalka Oo Maanta Siweyn Looga Ciiddayo

0
199

JOWHAR (Radio isnaay)  Magaalada Jowhar  iyo Gobolada dalka Soomaaliya ayaa Maanta oo Isniin ah si isku mid ah waxaa uga socda dabaaldegyo loo sameynayo munaasabada maalinta 1aad ee Ciidul Fitriga, ka dib markii ay dhamaatay bishii barakeysneyd ee Ramadaan oo shalay ku ekeyd.

Dadweyne fara badan ayaa saaka u dareeray masaajidada Magaalada jowhar  iyo goobo kale, halkaasoo ay ku soo tukadeen salaadii Ciiddul fitriga, iyagoo intooda badan ku lebisnaa dhar aad u qurux badan oo ay ugu talo galeen Munaasabada Ciidda.

Waddooyinka waaweyn ee Caasimadda hirshabeelle ayaa waxaa lagu arkayaa  kumannaan dadweyne oo isugu jira dhallinyaro, Carruur, Haween iyo Odayaal da’ ah, kuwaasi oo siweyn Maanta u Ciidaya, isla markaana isku marxabeynaya Ereyo ay ka mid yihiin ciid wanaagsan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here