Madaxda Dowladda oo u hambalyeeyay Shacabka

0
169

JOWHAR (Radio isnaay) Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyay dhammaan muslimiinta meel kasta oo ay joogaan, gaar ahaan dadka Soomaaliyeed Munaasabadda barakeysan ee Ciidul Fidriga.

Madaxweynaha ayaa ku boorriyey dhammaan dadka Soomaaliyeed in ay sii joogteeyaan dhaqammada wanaagsan ee aynu mudnaanta siineynay muddadii Bishii Ramadaan, kuwaas oo ay ugu horreyso kaalmada iyo u gargaaridda dadkeenna danyarta ah, ka shaqeynta danta guud iyo ducada ku aaddan in uu Alle inoo wanaajiyo dalkeenna, naguna gallado amni, xasillooni iyo barwaaqo.

Dhinaca kale Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Maxamed Xuseen Rooble ayaa Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasadda Ciida isaga oo u rajeeyay in sanadkaan sanadkiisa xiga uu Alle Nabad iyo Barwaaqo ku gaarsiiyo.

Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada kajira dalka ayaa iyana dhankooda Maalinta Ciida ugu hambalyeeyay Shacabka Soomaaliyeed, iyaga oo ku baaqay in dadka masaakiinta ah loo gurmado.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here