Bukayo Saka Oo Isha Ku Haya Rikoodh Uu Kooxda U Dhigay Halyeeyga Kooxda Ee Ian Wright Kulanka West Ham Ee Maanta.

0
148

JOWHAR (Radio isnaay) Xiddiga Arsenal ee Bukayo Saka ayaa bar-barayn kara rikoodh uu kooxda u dhigay Halyeeyga Kooxda ee Ian Wright marka ay Gunners maanta la ciyaari doonto kooxda West Ham kulan premier League ah.

Xiddiga 20 jirka ah ayaa dhaliyay 11 gool premier League xilli ciyaareedkan isaga oo labadii gool ee ugu dambeeyay ka dhaliyay rikoodhe kooxaha Arsenal iyo chelsea.

Inkasta oo uu tartankii euro 2020 khasaariyay rikoodhe hadana, Saka ayaa dhaliyay labadii rikoodhe ee ugu dambeeyay.

Hadii uu Saka rikoodhe kale dhaliyo kulanka Maanta waxa uu noqn doonaa kaliya xiddigii 2-aad ee Arsenal ah ee 3 kulan oo xidhiidh ah rikoodhe ka dhaliya premier League.

Halyeeyga Arsenal ee Wright ayaa rikoodhkaas u dhigay Arsenal xilli ciyaareedkii 1993/1992 markaas oo uu 3 kulan oo xidhiidh ah rikoodhe ka dhaliyay premier Leageu.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here