Man United & Chelsea Oo Isku Qoray Taariikhda Premier League.

0
122

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kooxaha Man United iyo chelsea ayaa ku kala baxay bar-baro kulan ka dhacay Old Trafford kana tirsanaa horyaalka premier League.

Labada kooxood ayay goolasha u dhaliyeen xiddigaha Cristiano Ronaldo iyo Marcos Alonso kulan ay labada kooxood si taxadar leh u ciyaareen.

Kadib bar-baraha labada kooxood ayaa isku qoray taariikhda tartanka premier League iyaga oo dhigay rikoodh ayna dhigin kooxaha kale ee horyaalka premier League.

Bar-barihii ay galeen labada kooxood kulankan ayaa ahaa midkii 25-aad ee ay ku galeen horyaalka premier League tan ilaa kulankoodii ugu horeeyay.

Sidaas darteed Man United iyo chelsea ayaa ah labada kooxood ee bar-baraha ugu badan galay taariikhda tartanka premier League iyaga oo bar-baro ku heshiiyay 25 kulan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here