Biden oo Ukraine u raadinaya $33 Bilyan oo gargaar dheeri ah.

0
185

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa golaha sharci-dejinta ee Maraykanka weydiistay Khamiistii inay meel mariyaan $33 Bilyan oo kaalmo dheeri ah, si Ukraine ay uga caawiyaan inay iska caabbiso duullaanka ciidamada Ruushka shanta bilood ee soo socota.

Soo jeedinta Biden ayaa ah mid laba jibbaar ka badan lacago $13.6 Bilyan oo kaalmo oo aqalka Congresska ay horay ugu asnsixyeen in la gaarsiiyo Ukraine, waxaana xoghaya warfaafinta ee Aqalka Cad Jen Paski ay sheegtay inay kalsooni ku qabaan in Kongressku uu sii wadi doono taageerada Ukraine.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here