Thomas Tuchel Oo Go’aan Ka Gaadhay Mustaqbalkiisa Chelsea.

0
348

JOWHAR(Radio isnay) Tababaraha Chelsea Thomas Tuchel ayaa xaqiijiyay inuu doonayo inuu sii joogo Stamford Bridge xilli ciyaareedka 2022-23.

Xilli uu shaki ku jiro mustaqbalka kooxda sabab la xidhiidha cunaqabataynta dusha laga saaray Milkiilaha kooxda ee Roman Abramovich ayaa keentay warar sheegaya in uu Tuchel doonayo in uu isaga tago kooxda.

Tuchel ayaa Blues kula jira heshiis ilaa xagaaga 2024 ah waxana uu 48 jirku sheegay in uu doonayo in uu ugu yaraan xilli ciyaareed kale sii joogo kooxda chelsea.

“Aniga ahaan, isku diyaarinta xilli ciyaareedka dambe, waxa aan siin doonaa walba walba oo aan awoodno waanan joogi doonaa kooxda”ayuu tuchel yidhi.

Tuchel ayaa chelsea kula guulaystay koobabka Champions League, UEFA Super Cup & Club World Cup tan ilaa markii uu yimid kooxda suuqii january ee sanadkii hore

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here