Ruushka oo joojiyay Gaaskii uu siin jiray Bulgaria iyo Poland.

0
295

JOWHAR (Radio isnaay)-Shirkadda Gazprom ee laga leeyahay dalka Ruushka ayaa ku dhawaaqday inay joojisay Gaaska ay siin jirtay Waddamada Bulgaariya iyo Poland ka,ka dib markii ay bixin wayeen lacagta Gaaska Ruushka ee Rubbil.

Shirkadda Gazprom ayaa xustay in laga yaabo in la hakiyo Gaaska sii mara Poland iyo Bulgaria ee ay siiyaan dalalka kale ee Yurub.

Wasiirka tamarta Bulgaria Alexander Nikolov, ayaa sheegay in dalkiisu uu diyaar u yahay bixinta dhaqaalaha ku saabsan qandaraasyada uu kamid yahay Gaaska.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here