Elon Musk oo noqday ninka ugu taajirsan dunnida

0
154

Jowhar – ( Radio Isnaay) – Elon Musk ayaa haatan noqday ninka ugu taajirsan adduunka, isaga oo koobka ka qaaday aasaasaha Amazon Jeff Bezos.

Maamulaha Tesla iyo SpaceX ayaa hantidiisa lagu qiyaasay inay dhaaftayn $185bn (£136bn) kaddib markii ay korortay saamiga qiimaha shirkadda soos aarta gawaarida.

Bishii September, Musk wuxuu sheegya in Tesla ay muddo saddex sano gudahood ku sameyn doonto gaari $25,000 ah, wuxuuna sheegay in goor dhow dhammaan gawaarida cusub ee shirkadda ay noqon doonaan kuwo uu qofku wato,

Musk wuxuu sheegay inuu isku arko injineer intii uu isku arki lahaa maalgasjade, wuxuuna leeyahay in waxa subixii dhaqaajiya ay tahay hammiga uu u hayo xallinta dhibaatooyinka teknolojiyadeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here