Tahriibayaal ku dhintay doon kula degtay xeebaha Lubnaan

0
137

JOWHAR  (Radio isnaay)-Dowladda Libnaan ayaa sheegtay in ugu yaraan 6 qof oo tahriibayaal ah ay badda ku dhinteen, kadib markii dooni ay la socdeen ay ku degtay meel u dhow magaalada dekedda ah ee Tripoli.

48 qof oo kale ayaa laga soo badbaadiyay doonta tahriibayaaasha sidday ee degtay.

Dadka doontaasi degtay saarnaa ayaa ahaa muwaaddiniin u dhashay Lubnaan iyo Suuriya, kuwaas oo ay maamulku sheegeen in ay si sharci darro ah uga tageen Lubnaan.

Dhibaatada dhaqaale ee ka jirta Lubnaan ayaa keentay iney sii korodho muwaadiniinta ay ku biiraan qaxootiga Suuriya iyo Falastiiniyiinta ee isku dayaya inay badda isku biimeeyaan si ay Yurub u galaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here