Rayo Vallecano Oo Garaacday Barcelona & Blaugrana Oo Guuldaradii 3-aad Oo Xidhiidh Ah Kala Kulantay Camp Nou.

0
168

JOWHAR(Radio isnaay) Kooxda Rayo Vallecano ayaa ka yaabsatay Barcelona iyaga oo garaacay garoonka Camp Nou kulan ka tirsanaa horyaalka La Liga kulan baaqi u ahaa kooxda Barcelona.

Kulanka ayaa ahaa mid ku adag kooxda Barcelona iyada oo kooxda Rayo Vallecano si fiican u ciyaaraysay dhinaca difaaca iyo waliba dhinaca weerarka.

Barcelona ayaa maamulaysay ciyaarta laakiin kooxda Rayo Vallecano ayaa adeegsanaysay weeraro rogaal celis ah inta kalena difaaca ku jiray.

Kooxda Rayo Vallecano ayaa daqiiqadii 7-aad dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Alvaro Garcia Rivera kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa kana dhigay ciyaarta 1/0.

Barcelona ayaa ku dhibaatootay in ay ka fal celiso goolka laga dhaliyay inkasta oo ay cadaadis badan saareen kooxda Rayo Vallecano kuwaa oo dhankooda ciyaarayay weeraro rogaal celis ah.

Xiddiga Dembele ayaa dhibaato badan ku abuuray difaacyada Rayo Vallecano isaga oo marar badan kubada hor keenay goolka hortiisa laakiin waxa ay ku hor dhibaatoodeen goolka hortiisa.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo ay kooxda Rayo Vallecano ahayd kooxda hogaaminyasa natiijada ciyaarta isla markaas si fiican uga difaacatay Barcelona goolkeeda.

Qaybtii dambe ayay Barcelona si dar-dar leh ku bilaabatay ciyaarta iyaga oo doonayay in ay ku soo laabtaan ciyaarta waliba dhaliyaan goolka bar-baraha.

Laakiin Goolhayaha kooxda Rayo Vallecano ayaa laf dhuun gashay ku noqday kooxda Barcelona isaga oo si walba u badbaadiyay goolkiisa una diiday in ay kubadu goolka gasho.

Waxa aad mooday in uu Nasiibku ka soo hor jeedo kooxda Barcelona iyaga oo wax walba sameeyay sidii ay u dhalin lahaayeen gool laakiin ay kubadu goolka diiday.

Arinta la yaabka leh ayaa in ay Rayo Vallecano goolka Barcelona ku laabtay kaliya 2 laad kana dhalisay goolka halka ay Barcelona 14 ku laagtay waliba 3 la heshay goolka.

Guuldaradan ayaa ah midii 3-aad oo xidhiidh ah oo ay Barcelona kala kulanto garoonkeeda 4-tii kulan ee ugu dambeeyay tartamada oo dhan halka ay kooxda Rayo Vallecano kulankii 2-aad ka badisay Barcelona kadib markii ay 1/0 uga badisay kulan qaybta hore ee xilli ciyaareedka.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay kooxda Rayo Vallecano garaacday Barcelona dhabarkana u saartay guuldaradii 3-aad oo xidhiidh ah oo ay Barcelona tartaada oo dhan kala kulanto garoonkeeda iyo guuldaradii 2-aad oo xidhiidh ah horyaalka La Liga

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here