Maraykanka oo lagu maxkamadaynayo madaxweynihii hore ee dalka Honduras

0
175

JOWHAR  (Radio isnaay)- Dalka Honduras ee ku yaalla Ameerikada dhexe ayaa Maraykanka u gacan gelisay madaxweynihii hore ee dalkaas Juan Orlando Hernandez, si uu u waajaho eedo la xidhiidha ka ganacsiga daroogada iyo hubka.

Madaxweynaha hore ee Hondorus ee Maraykanka loo gacangeliyey ayaa mar ahaan jiray xulafada ugu muhiimsan Maraykanka ee la dagaalanka daroogada.

Madaxweyne Hernandez oo xilka ka sii maqnaa saddex bilood oo keliya ayaa isaga oo katiinadaysan waxaa lagu wareejiyey saraakiil ka tirsan waaxda la dagaalanka daroogada ee dalka Maraykanka ee loo yaqaan DEA, kuwaas oo diyaarad khaas ah ku soo qaaday, waxaana la filayaa inay maxkamadi uga bilaabanto magaalada New York.

Dacwad oogayaasha ayaa sheegaya in madaxweyne Hernandez uu malaayiin dollar ka helay kooxaha ka ganacsada daroogada oo uu ka mid yahay El Chapo Guzman oo ah nin u dhashay dalka Mexico oo caan ku ah ka ganacsiga daroogada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here