Feeryahan caan ah oo nin ku dhex feeray diyaarad.

0
162

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Feeryahankii hore ee tartanka miisaanka culus Mike Tyson ayaa nin rakaab ahaa ku dhex feeray diyaarad kadib markii uu ninkaas kuu tuuray caagad biyo ah, sida uu sheegay afhayeen u hadlay Tyson.

Muuqaal laga soo qaaday diyaaradda ayaa muujinaya Tyson oo dhowr jeer feer la dhacaya ninka aan ilaa hadda aan magaciisa la sheegin.

Afhayeenka ayaa inta ku daray in rakaabkii ay diyaaradda isla saarnaayeen uu garddareystay Tyson isla markaana uu dhibaato kala kulmay.

Booliska ayaa soo qabtay labo qof oo lala xiriirinayo arrintani.

Hal qof ayaa lagu daweeyay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee San Francisco kaas oo qabay dhaawacyo fudud.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here