: Arsenal Vs Man United: Wax Walba Oo Aad Uga Baahanahay Kulanka Xiisaha Leh Ee Maanta

0
138

JOWHAR (Radio isnaay) Kulanka ugu xiisaha badan Premier league todobaadkan ayaa dhexmari doona kooxaha arsenal iyo Man United.

Labada kooxood ayaa ku tartamaya kaalinta 4-aad ee loogu soo boxo champions League.

Kulanka ayaa ah mid aan dhibichiisu u qaybsamin labada kooxood mid walba doonayso in ay badiyaan si ay u helaan dhibcaha kulanka.

Emile Smith Rowe ayaa dhaliyay goolka furitaanka kulankii Old Trafford waxana uu isha ku hayaa in uu noqdo xiddigii ugu horeeyay ee gool ka dhaliya Man United laba kulan xilli ciyaareed kaliya Premier league, Arsenal ayaa sidoo kale badisay dhamaan 6-dii kulan ee ay garoonkeeda ku ciyaartay oo uu xiddiga khadka dhexe ka dhaliyay gool.

Arsenal ayaan wax guuldaro ah la kulmin saddexdii kulan ee ugu danbeeyay ee ay garoonkeeda ku ciyaartay Man Utd (2 guul, 1 bar-baro), iyag oo shabaqooda ilaashaday dhamaan kulamadaas, laakiin waligood shabaqooda ma ilaashan 4 kulan oo ay la ciyaartay Man United.

Man United ayaa badisay kulankii wareegan ee xilli ciyaareedkii hore kaas oo dhacay bishii December waxana ay soo afjartay 6 kulan oo ayna wax guul ah ka gaadhin Gunners, horyaalka iyaga oo raadinaya in ay laba kulan ka badiyaan xilli ciyaareed kaliya horyaalka markii ugu horaysay 2017/2018.

United ayaan laga badinin 13-kii kulan ee ugu dambeeyay Premier League ee ay ku ciyaartay London (8 guul, 5 bar-baro) tan iyo guuldaradii 2-0 ka soo gaartay Arsenal bishii January 2020.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here