Arsenal Oo Qarka U Saaran Saxiixa Gabriel Jesus

0
133

JOWHAR (Radio isnaay) Kooxda Arsenal ayaa qarka u saaran in ay dhamaystirto saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Man City ee Gabriel Jesus sida ay sheegayaan wararku.

Mikel Arteta ayaa suuqa ugu jira weeraryahan cusub si uu ugu xoojiyo kooxdiisa xilli ciyaareedka dambe kadib markii uu iska diray xiddigo weerarka uga ciyaara.

Wargayska Express ayaa sheegaya in ay Arsenal wax walba kala heshiisay xiddiga Gabriel Jesus si ay u hesho saxiixa xiddiga marka la gaadho suuqa xagaaga.

Xiddiga Gabriel Jesus ayaa ogolaaday heshiiska uu ugu biirayo Arsenal iyada oo uu sidoo kale ogolaaday mushaharka uu ka qaadan doono kooxda.

Isla wargayska ayaa sheegaya in waxa kaliya ee ka dhiman dhamaystirka heshiiska ayaa ah in ay kooxda Arsenal heshiis la gaadho kooxda Man City si ay u dhamaystiraan saxiixa xiddiga.

Kooxda.com ayaa xusaysa in heshiiska Gabriel Jesus ee Man City ka dhimantahay hal sano oo kaliya waxana uu diiday in uu heshiis cusub u saxiixdo kooxda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here