Wasiirka Maaliyadda oo Washington kula kulmay Madaxweyne ku xigeenka Bangiga Adduunka

0
123

JOWHAR (Radio isnaay) Wasiirka Wasaaradda  Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo uga qeybgalaya magaalada Washington ee dalka Mareykanka shirarka sanadlaha ah ee Bangiga Adduunka iyo Hey’adda IMF, ayaa shirar mira-dhal ah la qaatay Madaxweyne ku-xigeenka Bangiga Adduunka qeybta Afrika Mudane Hafez Ghanem.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya iyo Madaxweyne ku xigeenka Bangiga Adduunka ayaa ka wadahadlay arrimaha dib-u-habeynta dhaqaalaha Soomaaliya, horumarka laga sameeyay barnaamijka Deyn Cafinta, Doorashooyinka dalka iyo Mashaariicda horumarineed ee Bangiga ka fuliyo Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here