Bukayo Saka Oo Kashifay Farsamadii Uu U Adeegsaday Si Rikoodhe Loogu Dhigo Kooxdiisa Kulankii Chelsea.

0
160

JOWHAR (Radio isnaay) Xiddiga kooxda Arsenal ee Bukayo Saka ayaa sheegay in uu is-tuuray si rikoodhe loogu dhigo kooxdiisa kulankii ay Gunners 4/2 uga badisay kooxda Chelsea kulan ka tirsanaa premier League

Gunners ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ku soo bandhigtay Stamford Bridge iyaga oo dib u nooleeyay rajadooda u soo bixista tartanka champions League xilli ciyaareedka dambe.

Xilli ciyaartu maraysay 3/2 isla markaas chelsea u dagaalamaysay in ay ugu yaraan dhaliso goolka bar-baraha ay Arsenal heshay rikoodhe kadib markii uu xiddiga Cesar Azpilicueta khalad ku galay xiddiga Bukayo Saka.

Saka ayaana sheegay in uu is tuuray markii ay loolameen xiddiga difaaca uga ciyaara kooxda chelsea ee Cesar Azpilicueta sidaasna ugu guulaystay rikoodhe uu isagu u dhaliyay kooxdiisa.

“Dabcan Cesar Azpilicueta waa uu ka xanaaqayaa waxa aan sameeyay, laakiin waa sida ay tahay, waxa ay ahayd rikoodhe”.

“Wuu i qabsaday, waxana uu i haystay ilaa 5 ilbidhiqsi sidaas darteed waan is tuuray”ayuu sii raaciyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here