Shiinaha oo ballaarinaya dhismaha saldhigiisa ee hawada sare.

0
172

Jowhar – ( Radio isnaay ) – Shiinaha ayaa saddex cirbixiyeen oo cusub u diraya saldhiga hawada sare ee Shiinaha bisha June ee foodda innagu soo haysa, ka dib markii ay toddobaadkan soo laabteen shaqaalihii hore ee Shiinaha ahaa ee ku sugnaa saldhiga hawada sare ee Shiianaha. Shaqaalaha ayaa hawada sare ku maqnaada lix bilood.

Shaqaalahan oo raaci doona dayac-gacmeedka Shenzhou 14 ayaa gaadhi doona saldhiga hawada sare ee Shiinaha oo lagu magcaabo Tiangong, si ay ugu daraan saldhiggaas laba qaybood oo kale, sida uu sheegay Hao Chun oo ah agaasimaha xafiiska Injineernimada hawada sare ee Shiinaha.

Shiinaha ayaa cirbixiyeenkii ugu horreeyey hawada sare u diray sannadkii 2003, iyada oo toban sano ka dib uu Shiinuhu dayac-gacmeed ku dul-dejiyey dayaxa, halka sannadkii horena uu ku guulaystay inuu gaadho meeraha Mars. Qaybaha ugu muhiimsan saldhiga Shiinaha ee hawada sare ee Tiangong ayaa la bilaabay bishii April ee sannadkii hore, waxaana lagu talo jiraa in la dhamaystiro sannadkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here