Gabadh caan ka aheyd TikTok oo lagu xukumay saddex sano oo xarig ah

0
148

JOWHAR  (Radio Isnaay)-Gabar caanka ka ah barta TikTok oo u dhalatay dalka Masar ayaa lagu xukumay saddex sano oo xarig ah kadib markii ay maxkamad ku taalla Masar ay ku heshay dambi ku saabsan tahriibinta dadka.
Haneen Hosam ayaa beenisay eedeymaha loo soo jeediyay.
Dadka u dooda arrimaha xuquuqul insaanka ee Masar ayaa sheegay in dacwadda lagu soo oogay gabdhan ay qeyb ka yihiin howlgallada ka dhanka ah haweenka saameynta ku leh baraha bulshada.
Haneen oo ah ardayad wax ka barata Jaamacadda Qaahira, ayaa barteeda TikTok waxaa ku xiran in ka badan 900,000 qof iyadoo soo bandhigeysay muuqaallo ku saabsan heesaha iyo qoob ka ciyaarka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here