Dhuunta ugu dheer ee qaada shidaalka oo laga dhisayo Afrika.

0
186

JOWHAR  (Radio isnaay)-Kooxaha u dhaqdhaqaaqa deegaanka iyo cimilada ayaa ka hor yimi qorshaha lagu dhisayo dhuun shidaal oo aad u dheer oo isaga kala gudbaysa dalal ku yaalla Bariga Afrika.

Dhuuntan ayaa shidaalka ka soo qaadaysa goobaha shidaalka laga qodo ee Hoima ee dalka Uganda illaa laga gaadhayo magaalo xeebeedda Tanga ee ku taalla dalka Tanzania.

Mashruuca lagu dhisayo dhuuntan shidaal ayaa ku kacaya illaa 5 billion oo dollar, waxaana dhererkeedu noqonayaa illaa 1,443 KM, taas oo ka dhigaysa inay tahay dhuunta ugu dheer dunida ee qaadda saliidda diirran.

Kooxaha ka soo horjeeda mashruucan ayaa ku doodaya in mashruucani uu barakicinayo kumanaan qoys, halka laga yaabo inuu waxyeello u geysto bedqabka biyaha harada Victoria iyo webiga Nile

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here