Xildhibaanada Golaha Shacabka oo maanta yeelanaya kulan

0
159

JOWHAR (Radio isnaay) Xildhibaanada cusub ee golaha Shacabka ayaa maanta lagu waddaa in ay yeeshaan kulankii ugu horreeyay ka dib markii 14 bishaan dhaariyay.

Kulanka ayaa ka dhici doona xarunta Villa Hargeysa, waxaana shir gudoomin doonna Gudoomiyaha KMG.

Waxaa sidoo kale lagu waddaa in maanta lagu dhawaaqo guddiga doorashada ee Guddoonka labada Aqal.

Maamulka Shacabka iyo Gudoomiyaha KMG ah ayaa 14 bishaan ku wargaliyay in ay soo xaadiraan kulanka loo ballansan yahay maanta oo Sabti ah.

Sidoo kale xildhibaanada Aqalka Sare ayaa yeelan doono kulankii ugu horreeyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here