Ingiriiska oo kooxdii ugu horraysay oo magangelyo doon ah gaynaya Rwanda

0
161

JOWHAR  (Radio isnaay)-Dowladda Britain ayaa sheegtay in qeybtii ugu horreysay ee magan-galyo-doon laga yaabo in toddobaadyo gudahood laga duuliyo UK oo la geeyo Rwanda.

Arrintan ayaa daba socota markii lagu dhawaaqay qorshe lagu doonayo in qaxooti loogu diro dalka ku yaalla bariga Afrika si ay magangelyo uga helaan halkaas.

Qorshahan ayaa marka hore diiradda saarayaa ragga aan guursan ee ka tallaaba kanaalka Ingiriiska iyagoo raacaya doomo ka yimid Faransiiska.

Raysal wasaare Boris Johnson ayaa sheegay in qorshuhu uu “badbaadin doono dad aan tiro lahayn” isla markaana uu wax u dhimi doono habka ay u shaqeeyaan dadka wax tahriibiya, balse dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadanaha ayaa qorshahan ku tilmaamay mid ka baxsan bini’aadantinimada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here