QM oo ka digtay abaar horleh oo ku dhufata meelo kamid ah Soomaaliya

0
174

JOWHAR (Radio isnaay) Qaramada Midoobay ayaa ka digaysa in 350,000 oo caruur ah oo ku nool Soomaaliya ay u dhintaan macaluul, haddii aysan dunidu ugu soo bixin sidii gargaar cunto loogu fidin lahaa dadka Afrikaan ah ee saboolka ah oo ku jira sannaddii afaraad oo isku xiga oo abaar ay saameeysay.

“Sida aan la wada socono, 1.4 milyan oo carruur ah oo da’doodu ka yar tahay 5 sano jir ayaa nafaqo-xumo ba’an haysa, haddii aanaan la xoojin gargaarka, waxaa la saadaalinayaa in 350,000 oo ka mid ah ay ay macluul u dhiman doonaan sida uu yiri”  Adam Abdelmoula oo ka tirsan Xafiiska Qaramada Midoobay ee  Arrimaha Bani’aadamnimada.

Waaa uu ugu baaqayaa dhammaan inta awood u leh inay wax ku biiriyaan, oo ay ku jiraan qurba-joogta Soomaaliyeed, ganacsatada, deeq-bixiyayaasha dhaqanka iyo Hay’adaha gaarka loo leeyahay in dadkaasi gurmad aarsiiyaan.

Saddex sano oo abaar ah oo xiriir ah ayaa ka dhacday dalka kadib markii  webiga ugu weyn Soomaaliya, ee Jubba uu gebi ahaan Biyo la’aan noqday, waxaana taasi ay keentay abaar saameysay dad lagu qiyaasay 4.5 milyan oo qof, kuwaas oo intooda badan ay noloshoodu ku tiirsan tahay beeraha.

“Dhammaan abaarihii aan soo maray 70-kii sano ee aan soo maray, ma arag wax sidan oo kale uga daran ayuu u sheegay Hay’adaha UN-Ka Axmad Xasan Yarrow, oo ah Soomaali deggaka barakacay gurigiisa, si uu cunto iyo biyo u raadsado.

Dhinatada abaaraha kuma koobna Soomaaliya oo kaliya. Sida laga soo xigtay Guddiga Caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas, ugu yaraan afar meelood meel dadka Afrika ayaa hadda wajahaya cunto yari taasoo ay ugu wacan tahay arrimo ay ka mid yihiin abaaraha oo sare u kacay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here