Sacuudiga oo oggolaaday in hal milyan oo qof ay sanadkan xajjiyaan.

0
143

Jowhar – ( Radio Isnaay )  -Sacuudi Carabiya ayaa Sabtida maanta ah sheegtay in ay u oggolaan doonto hal milyan oo Muslimiin ah oo ka kala imanaya gudaha dalkaasi iyo dibaddiisaba in ay gutaan xajka sanadkan, waana sare u kac weyn ka dib markii xannibaado loo soo rogay xakameynta Covid-19 ay muddo laba sano ah aad u dhintay tirada xujeyda.

Tallaabadan, oo ka hooseesaysa in dib xajka loogu celiyo sidii uu ahaan jiray, ayaa raja gelineysa Muslimiin badan oo ku nool daafaha caalamka kuwaasi oo tan iyo 2019-kii ay mamnuuc ka ahayd in ay u safraan Sacuudiga si ay xajiyaan.

Xajka oo ka mid ah shanta tiir ee Islaamka ayaa waajib ku ah qof kasta oo Muslim ah oo awooda in uu inta uu nool yahay mar xajiyo. Caadiyan waa mid ka mid ah kulan diimeedyada ugu ballaaran dunida iyadoo ay 2019-kii ka qeybgaleen 2.5 milyan oo qof (laba milyan iyo shan boqol oo qof).

Laakin ka dib markii uu cudurka COVID-19 dillaacay sanadkii 2020-kii ayay dowladda Sacuudigu oggolaatay kaliya kun (1,000) xujeey ah in ay gutaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here