Real Madrid oo dhagaha ka Garacday Chelsea Iskana Xaadirisay Semi-Final-ka Champions League.

0
162

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kadib kulan xiiso lahaa kooxda Real Madrid ayaa iska xaadirisay Semi-final-ka tartanka champions League inkasta oo ay guuldaro kala kulmeen kooxda Chelsea kulan ka dhacay Bernabue.

Kulanka ayaa ahaa mid xiiso waali ah lahaa iyada oo kooxda Chelsea ku bilaabatay si fiican isla markaas ahayd kooxda fiican xilli ay Real Madrid u muuqatay kuwo aan doonayn in ay kulanka natiijo kala baxaan iskuna halaynaya natiijadii lugta hore.

Chelsea ayaa wax walba u samaysay sidii ay u dhalin lahayd gool wakhti hore ah oo Niyada u dhisa isla markaas u suurtagaliya in ay ku soo laabato kulanka.

Daqiiqadii 15-aad ayay Chelsea heshay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga Mason Mount kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa kana dhigay ciyaarta 1/0 ay ku hogaaminayaan ciyaarta.

Real Madrid ayaa laga filayay fal celis kadib goolka laga dhaliyay laakiin chelsea ayaa wali ahayd kooxda fiican iyaga oo ka awood badnaa Real Madrid.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo ay chelsea ahayd kooxda fiican isla markaas hogaaminaysa natiijada ciyaarta qaybta hore.

Qaybta dambe ayay chelsea ku bilaabatay si dar-dar leh iyaga oo doonayay in ay dhaliyaan goolal kale xilli ay Real Madrid wali ku dhibaatoonayso in ay qaado weeraro faa’iido leh.

Daqiiqadii 51-aad ayay Chelsea dhalisay goolka 2-aad waxana u dhaliyay xiddiga Antonio Rudiger kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/0 guud ahaana ka dhigay 3/3 natiijada labada kulan.

Kooxda chelsea ayaan halkaas ku joogsan waxana ay sii wadeen ciqaabida Real Madrid kuwaas oo la garan laayahay waxa ka khaldan inkasta oo ay garoonkooda ku ciyaaraya.

Chelsea ayaa daqiqiadii 62-aad dhalisay gool waxana u dhaliyay xiddiga Marcos Alonso laakiin goolkaas ayaa la diiday kadib markii ay gacanta kaga dhacday kubada ka hor goolka.

Kooxda Thomas Tuchel ayaa daqiiqadii 75-aad dhalisay goolka 3-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Timo Werner kaas oo ciyaarta ka dhigay 3/0 laakiin guud ahaan natiijada labada kulan ka dhigay 4/3 ay chelsea ku hogaaminayso ciyaarta.

Laakiin 10-kii daqiiqo ee ugu dambeeyay ayay Real Madrid la soo baxday Miciyo ayna lahayn daqiiqadihii hore ee ciyaarta iyaga oo chelsea ku qaaday weeraro aan kala joogsi lahayn.

Daqiiqadii 80-aad ayay Real Madrid dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta waxana u dhaliyay xiddiga Rodrygo kaas oo gool u badalay baas waali ah oo uu Luka Modric u soo hor dhigay goolka isaga oo ciyaarta ka dhigay 3/1 guud ahaan labada kulana ka dhigay 4/4.

Waxa ay labada kooxood isla aadeen daqiiqadaha dheeriga ah iyada oo 30 daqiiqo lagu daray si ay ugu kala baxaan labada kooxood kulanka midkoona u gudubto wareega Semi-final-ka.

Kooxda Real Madrid ayaa daqiiqadii 96-aad dhalisay gool iyaga oo uu madax qurux badan u dhaliyay xiddiga Karim Benzema kaas oo ciyaarta ka dhigay 3/2 halka ay 5/4 tahay natiijada labada kulan.

Kooxda Real Madrid ayaa si fiican u difaacatay goolka ay dheertay waxana ay iska xaadiriyeen wareega Semi-final-ka tartanka champions League.

Dhanka kale Kooxda Villarreal ayaa samaysay mucjisada 8 Dhamaadka kadib markii ay ka reebeen kooxda Bayern munich tartanka champions League iskana xaadiriyay Semi-final-ka tartanka champions League.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here