Man City Oo War Fiican Ka Heshay Xaalada Ruben Dias Ka Hor Kulanka Atletico Madrid.

0
148

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Daafaca dhexe ee kooxda Manchester City ee Ruben Dias ayaa ka qayb qaatay tababarka ay isugu diyaarinayaan kulanka lugta labaad ee 8 dhamaadka Champions League ay la ciyaari doonaan kooxda Atletico Madrid.

Xiddiga 24 jirka ah ayaa garoomada ka maqnaa tan ilaa 1 bishii March sabab la xidhiidha dhaawac muruqa ah waxana uu 7-dii kulan ee ugu dambeeyay tartamada oo dhan.

Guardiola ayaa lugtii hore ee kulanka Atletico Madrid sheegay in la qiimayn doono xiddiga 10-ka maalin ee soo socda ka hor inta uuna ku soo laaban shaxda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here