Shaxda Ugu Fiican Todobaadka Premier League Oo La Soo Saaray.

0
156

JOWHAR (Radio isnaay) Liverpool ayaa laba jeer ka soo laabatay gool looga hor maray iyaga oo bar- baro 2/2 ah la galay hogaamiyayaasha horyaalka ee Man City iyaga oo wali hal dhibic ka dambeeya kooxda Ay xafiiltamaan iyaga oo 7 kulan ka dhimantahay horyaalka.

Dhanka kale chelsea ayaa xasuuqday Southampton iyaga oo 6/0 ku badiyay xilli ay Tottenham si buuxda ula wareegtay kaalinta 4-aad horyaalka premier League kadib markii ay 4/0 ku garaaceen Aston Villa.

Kooxda West Ham ayaa guuldaro kala kulantay Brentford halka ay Arsenal guuldaro 2/1 ah kala kulantay Brentford xilli ay Man United sidoo kale guuldaro 1/0 ah kala kulantay Everton.

Leicester City ayaa garaacday Crystal palace xilli ay Norwich City 2/0 kaga badisay kooxda Burnley iyada oo Newcastle United 1/0 kaga badisay kooxda Wolves xllli ay Leeds United 3/0 kaga badisay Watford.

Kadib kulamadii todobaadka waxa la soo saaray shaxda ugu fiican premier League todobaadkan iyada oo la soo xushay xiddigaha qaab ciyaareedka fiican soo bandhigay kulamadii la ciyaaray.

Kooxda chelsea ayaa shaxda ku leh xiddigaha ugu badan todobaadkan iyaga oo ku leh 3 xiddig kadib markii ay xasuuqeen kooxda Southampton kulan ay marti ahaayeen.

Dhanka kale Liverpool iyo Tottenham ayaa ku leh min 2 xiddig halka ay kooxaha Everton, Norwich City, Brighton iyo Leicester City shaxda ku leeyihiin min 2 xiddig.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here